91C0DD37-75B0-4D98-8BD5-89AF741E229B.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo hortagay Gollaha Baarlamaanka(Sawirro)

Madaxda Maaliyadda ee uu hormuudka u yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa hortegay Golaha Baarlamaanka Puntland

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Golaha usheegay in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan su’aalaha Barlamanka.

hor imaanshaha Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golaha Baarlamaanka ayaa ku aadanayd kadib markii Golahu soo akhriyay Miisaaniyada sagaal bood 2019

Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda wax ka waydiiyay Miisaaniyada ay horkeeneen iyo meelaha jawaab ta ubaahan

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland iyo madaxda Wasaaradda ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay waydiimihii Golaha Baarlamaanka Puntland.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/440255203396976/

kulan saacado qaatay kadib Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay fasaxayaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda kulan gaarana ay gali doonaan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi Miisaaniyada ay horkeeneen Golaha Baarlamaanka ayaan wali la an saxin balse lafilaayo in ay ansaxin doonaan Golaha Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland