Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qayb galay shir ku saabsan mashaariicda ay isla wadaan Bangiga Adduunka(Sawirro)

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo u hoogamiyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qayb galay shir looga hadlaayay waxqabadka mashaariicda, qorshayaasha Dowladda taasoo ay si wadajir ah ay u wadaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Dowldda Puntland ayaa soo bandhigtay waxqabadka iyo guulihii laga gaaray mudadii ay socdeen mashaariicda PFM-DRM taasoo ay kala shaqeynayso Bangiga Adduunka.

Mas’uuliyiinta Maaliyadda Puntland ayaa ku adkeeyay Bangiga Adduunka in mar kasta dhankooda ay xoojiyaan wada shaqeynta iyo xiriirka tooska ah, taasoo qayb ka ah dardar gelinta mashaariicda ay si wadajirka ah u wadaan Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Bangiga Adduunka.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ah hay’adda u qaabilsan horumarinta iyo dib u habeynta nidaamka Maaliyadda ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii loo casriyeyn lahaa habka Dakhli uruurinta, beekhaaminta kharashaadka Dowladda , ku dhaqanka , miisaaniyadda, xoojinta daah-furnaanta iyo Isla-xisaabtanka.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland