39B11964-FBAE-4044-BDDC-C3EF7B05B8E7.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan isugu yeeray Madaxda Iyo Shaqaalaha Baarista Gudaha[Sawirro]

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan isugu yeeray madaxda iyo shaqaalaha Baarista gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolada Puntland.

Kulankan ayaa ahaa mid ku aadanaa dardargelinta shaqada qaybta Baarista gudaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Dawladda Puntland.

Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Maaliyadda Cabdiqaadir Cali Jaamac

Madaxda iyo shaqaalaha Baarista Gudaha ayaa ka yimi Gobolada Bari,Karkaar,Sanaag,Sool iyo Mudug,waxana halkaasi ka hadlay Madaxa Baarista Gudaha gobolada Puntland Axmed Cabdi Maxamed soona gudbiyay habka ay u shaqeeyaan iyo baahiyaha ay qabaan in wax loga qabto.

Xisaabiye guud kuxigeenka Cali Jaamac Gaadhaan

Kulankan waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Maaliyadda Faysal Cabdullahi Warsame, Xisaabiye guud ku xigeenka Cali Jaamac gaashaan, Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Maaliyadda Cabdiqaadir Cali Jaamac iyo Madaxa Baarista Gudaha Axmed Cabdi Maxamed.

Madaxa Baarista Gudaha gobolada Puntland Axmed Cabdi Maxamed

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dadaal dheeri ah laga sameeyo qaybta Baarista gudaha Wasaaradda Maaliyadda baahiyaha ay soo gudbiyeena wax laga qaban doono.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland