233B3327-713D-4CB7-A774-A1CC0910A977.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Ganacsatada Cashuur bixiyaasha waaweyn[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntlanf ayaa maanta kulan la qaatay Rugta Ganacsiga Puntland iyo ganacsatada cashuur bixiyaasha waaweyn ee xarumahoodu ku yaallaan caasimada Puntland ee Garoowe.

Kulankaan waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiir kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda,Wasiir kuxigeenka W/Ganacsiga, Wasiir dowlaha Maaliyadda iyo Agaasime guud kuxigeenka dakhliga iyo Rugta Ganacsiga iyo xubno ka socday ganacsatada ku dhaqan Garoowe.

Is-xogwaraysi kaddib kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada cashuur bixiyaasha waaweyn ee Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shir Cabdi oo kulanka daahfuray ayaa xusay ahmiyada uu leeyahay diiwaangelinta ganacsatada ,wuxuuna ku dhiirigeliyay in ay qaataan lambarka cashuur bixiyaha kaasoo qayb ka qaadanaya horumarka ganacsatada sida in loo ilaaliyo magaca hantidooda iyo in ay ka qaybgeli karaan qandaraasyada Puntland.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay muhiimad ballaaran siin doonto qof kasta oo cashuur bixiya.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigay soo jeedimo ku saabsan habka casriga ah ee qaadashada lambarka cashuur bixiya.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland