11157FB9-2AE8-415F-BA73-A6C088B4728E.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Wafti ka socday Bangiga Adduunka(Sawirro)

Wafdi ka socda Bangiga Adduunka ayaa maanta soo gaaray magaaladda Garowe caasimada Puntland. Waftigan waxaa hoggaaminaysay Madaxa Mashaariicda Tayaynta iyo Maamul wanaaga ee loo yaqaan ( World Bank Governance Global practice manager).

Waftigan ayaa la kulmay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Qorsheynta,Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirkaas ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay u ogaan lahaayeen Bankiga Adduunka mashaariicda ay ka mid yihiin Mashruuca kicinta dakhliga iyo hormarinta hannaanka Maaliyadda ee loo yaqaan DRM/PFM, Mashruuca tayaynta shaqaalaha Dawladda CIP ( capacity Injection Project), Mashruuca iyo Mashruuca Dawladda ka caawiya bixinta mushaaraadka macallimiinta ee loo yaqaan RCRF Project.

Wasiirka Qorsheenta,Horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xusay in Dawladda ay diyaar u tahay isla markaasna ay soo dhaweenayaan wafdiga.

Wasiir Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa u cadeeyay in albaabada Dawladdu u furan yihiin dhamaan daneeyaasha.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa ugu horayntii u mahadceliyay wafdigab booqashada ay ku yimaadeen Puntland.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/712946612440682/

Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa uga mahadceliyay sida Bangiga Adduunku u garab taagan  yahay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.Wuxuu caddeeyay in Puntland ay si mug leh oga faa’iidaystay tageeradaas. 

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa ku dhawaaqay in la qaban doono shir dib u eegis lugu sameenayo waxqbadka mashaariicda Bangiga Adduunka la wado Puntland si loo arko caqabadaha ku geedaaman,waxna looga badalo wixii farsama ah.

Ugu dambeyntii Wasiiru Dawlaha ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa in dhamaan mashaariicda Dawladda Puntland ay u socdaan si wanaagsan, isagoo xusay caqabadaha Mashaariicda ka haysta Puntland kuwaasoo la isla gartay in laga gaaro xal deg deg ah.

Gabagabadii, Madaxa Mashaariicda Bangiga adduunka ee tayaynta iyo maamul wanaaga Bariga Africa ee ka shaqeeya arrimaha Dawladnimada ayaa caddaysay in Dawladda Puntland ay ku taalaabsatay horumar dhanka mashaariicda, waxayna ku ammaantay horumarka laga gaaray arrimahaas.

Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland