D77F1F0D-580A-4404-A92E-C9F4C8F1FC29.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Xubno ka socday Bangiga Adduunka[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda ee Garoowe madax ka socotay Bangiga Adduunka.

Madaxda Maaliyadda Puntland ee kulanka la qaatay ayaa kala ahaa Wasiiru dawlaha Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Mudane Cumar Saalax Aadan,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Faysal Cabdullaahi Warsame, Agaasime ku xigeenka Maamulka iyo madaxa Miisaaniyada Wasaaradda

Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimaha guud ee W/Maaliyadda Mudane Faysal Cabdullahi Warsame, Xisaabiyaha Guud ee DPL Mudane Cumar Saalax Aadan,Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Maaliyadda Cabdiqaadir Cali Jaamac, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cusmaan iyo mas’uul kale.

Madaxda ka socotay Bangiga Adduunka ayaa waxaa kamid ahaa Madaxa mashruuca u qaabilsan Korontada Bariga Afrika qeybta Soomaaliya iyo farsamayaqaano.

Gabagabadii kulanka ayaa Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiqaadir ayaa la hadlay Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.

…” Waxaan shir wada yeelanay mas’uuliyiin ka socda Bangiga Aduunka oo horay aanu ugu gudbinay cabasho ku aadan mashuurca korontada horayna uga cabanay habka loo soo diyaariyay,waana nooga soo jawaabeen waana ka wada hadalnay iyo sida Puntland qaybteeda uga heli lahayd .” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland