AA4B1BF3-1437-4B0E-AEA3-DF9845681F8C.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la kulmay qaar kamid ah gollaha Wasiirada Puntland(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kulan layeeshay Xubno katirsan Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland.

Kulankaas ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada Garoowe waxaana shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire waxana ka soo qayb galay Wasiirada hogaamiya Wasaaradaha ay ka mid yihiin,

Kaluumaysiga,Qorshaynta,Ganacsiga,Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta iyo Hawlaha Guud.

shirkan ayaa looga hadlay wadashaqaynta Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale kuna aadan sooxeraynta dakhliga dhex mara Wasaaradahaasi.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirkaasi ka qayb gashay usoo bandhigay qoraalo kala duwan oo ku aadan dhanka dakhliga iyo wada shaqaynta.

dhinaca kale Wasiiradii kulan kaasi ka qayb galay ayaa soo dhoweeyay talaabadan dhanka dakhliga ee ay soo bandhigeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu.

shirkaasi markii uu soo afmeermay ayaa Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyaddu wax ka waydiiyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda mudane Cumar Xasan Fiqi.

“shirkaasi waxaa ka soobaxay in laysku afgartay in lawada shaqeeyo iyo in tiim farsamo lasameeyo Wasaaradda Maaliyadduna hogaamiso iyo in dakhliga lakobciyo”

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland