E6511605-FA5C-414F-9BC8-B3AFAF475DB9.jpg

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la kulmay Wadti ka socday Bangiga Adduunka[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa magaalada Garoowe ku qaabishay wafti ka socda Bankiga aduunka gaar ahaan Mashaariicda PFM iyo DRM oo Wasaaradda ka caawiya kor u qaadista dakhliga, hagaajinta nidaamka, casriyeynta shaqada iyo tababarida shaqaalaha.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaarada Maaliyadda Puntland ee Garoowe, waxaa shir gudoominayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda,Mudane Maxamed Cabdulqaadir, waxaa kale oo kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Yaasiin, Agaasimaha guud ee W.Maaliyadda Mudane Faysal Warsame, XIsaabiyaha Guud iyo kuxigeenkiisa, madax iyo shaqaale kala duwan.

Kulanka oo socon doona muddo 3 maalmood ah, waxaa looga hadlayey wixii u qabsoomay mashaariicda, caqabadaha jira iyo sidii loo dar-dargelin lahaa.

Ugu danbeyn kulamada kaddib waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiima oo lagu dar-darglinayo mashaariicda socda hada.

Xafiiska Warfafinta & wacyigalinta 

W/Maaliyadda DPL Garoowe