Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo soo dhaweeyay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland , waxaa booqasho ku yimid Safiirka Dowladda Itoobiya usoo magacowday Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Safiirka waxaa Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna sii-hayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo Wasiirka ku xeenka Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Xiliga uu booqashada samaynayay Safiirka Itoobiya ayaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland, waxaa ka socday hawlmaalmeed shaqo.

Cabdifataax Cabdullaahi Xasan Safiirka Dowladda Itoobiya ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda uga mahadceliyay sida wanagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland