Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar usoo xiray Shaqaalaha Furdooyinka[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaarada Maaliyadda ayaa soo xirtay tababar u socday shaqaalaha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda, kaasoo lugu barayay samaynta Habka Cadeynta Alaabta ka dhoofta ama kasoo degta Furdooyinka(Puntland Single Administration Document- PUNTSAD).

Tababarkan ayaa lagu baranayay sida lambarka badeecadda loo waafajin lahaa sharciyadda caalamiga ah oo loogu yeero HS CODE (Harmonized System), sidoo kale waxaa lagu tabarayay sida loo isticmaalo hanaanka lagu maarayn doono Furdooyinka ee Puntland Customs Automation system, tobobarkaan ayaa socday muddo 10 cisho ah.

Shaqaalahaan ayaa waxaa ay ka kala socdeen Furdooyinka iyo garoomadda Puntland, tababarkan waxaa kaloo uu daarnaa  sida loo yareeyo khataraha ka imaan kara dejinta badeecadaha iyo dhoofintooda ee (Risk Management), ayadoo ganacsatada wax soo dajiya lugu qiimayn doono hababka saxda ah oo ay u cadaynayaan badeecadaha soo daga.

Wasaarada Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa sameyn doonta daahfur wayn oo lugu qaban doono magaaladda Boosaaso, kaasoo ay kasoo qaybgali doonaan dhammaan ganacsatada waa wayn  ee gobolada iyo kuwa dhaxe, ayadoo lugu bari doono habka ay usoo buuxin lahaayeen foomka caddaynta badeecadaha ee iswadda oo ah hab online ah oo casri ah, lana jaan qaadi kara nidaamka casriga ah ee caalamiga ah.

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland