03CAF201-4B46-400E-94B6-5676ED2749FE.jpg

Madaxda Wasaaradda Puntland oo kawada hadlay Shir dhawaan ka dhici doona Muqdisho(Sawirro)

Xarunta Wasaaradda Maaliyaada Garoowe ayaa lagu qabtay kulan uu shir gudoominaayay Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire cabdi.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa xogo kaladuwan ka dhagaystay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Sidoo kale Madaxda Wasaaradda ayaa ka dooday xog ay soo dirtay Dawladda Federaalka Soomaaliya kuna aadan habraaca shirka ka dhici doona Muqdisho.

Dooda ayaa si weyn diirada loogu saaray qodobo ay ka mid yihiin:

1. Eegista hab-raaca shirka Muqdisho.
2. Madaxda Puntland uga qaybgali doonta
3. Waxyaabaha lidiga ku ah Dawladda Puntland
iyo in lagu daro danaha Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa horay u umartigelisay shirar noocan oo kale ah kuwaas oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda ee magaalada Garoowe.

Madaxda Wasaaradda ayaa Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda u sheegay in shirka Muqdisho ay ka qayb gali doonaan Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland