AD56DF03-BA33-4DC0-8297-160933860C54.jpg

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni oo xariga ka jaray Xerada Xorgoble ee Qardho[Sawirro]

QARDHO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdullaahi  Deni ayaa xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ee degmada Qardho.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi  tababarka ku qaadan doona.

Mudane Siciid  Cabdulaahi Deni Madaxwaynaha Dawladda puntland iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo oo  Madaxwaynuhu daah furay.

Xaflada daah-furka waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Dowladda, La taliyeyaal dhinaca Amniga ah oo uu ku jiro Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Aqoonyahano, Hogaan dhaqan, Culimo, Haween iyo boqolaal ka mid ah Ciidamadii ugu horeeyay ee Tababarka ku qaadanaya xaruntan.

Madaxweyne Dawladda  puntland  Deni oo ka hadlay  Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble  ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay muhiimada koowaad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland