E7561C0C-11AD-4C58-A488-B755B432AE48.jpg

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dangoroyo [Sawirro]

DANGOROYO – Madaxwaynha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Madaxweyne Deni waxaa boqashadan ku weheliyay Xubno ka tirsan labada gole ee  Dawladda, Siyaasiyiin iyo qaybo kamid ah Saraakiisha laamaha amniga Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland , waxaa kusoo dhoweeyay degmada Dangoroyo Maamulka degmada, Isimada, Nabadoonada, Culima’udiinka, iyo Bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Bulshada reer Dangoroyo uga mahadceliyay soo dhawynta balaaran ee ay u sameeyeen.

Booqashad degmada Dangoroyo ee Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qayb ka ah booqashooyinka shaqo ee uu ku marayay deegaanada Puntland. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland