IMG_1404

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer ku Tagay Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

IMG_1404BOOSAASO – Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa,waxaa kusoo dhaweeyey gudaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Wasiir kuxigeenka
Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo ay weheliyaan agaasimayaasha iyo maamulaha Furdada Bosaso.

IMG_1410Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa mid mid u tusay Xafiisyada Wasaaradda,waxaana xiligaas ka socotay shaqo baaxad leh.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo Indha- indheeyey Xafiisyada waax-yaha kala duwan ee Wasaaradda Maaaliyaddu ay ku leedahay gudaha Dekedda Boosaaso, oo iyagu qaabildan ururinta canshuuraha alaabaha dekadda ka soo dega ama ka dhoofa.

Madaxweynuhu waxa uu warbixino,Wasiir kuxigeenka ,Agaasimayaasha,maamulaha Furdada iyo qaar kamid ah
shaqaalaha,isagoona kula dardaarmay dardargelinta howlaha shaqo ee igmaday.

IMG_1414 IMG_1416 IMG_1418 IMG_1420

Xafiiska Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
Boosaaso