0BE93873-8DE7-49A0-9AF4-FBC324424F27.jpg

Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeer shaqo ku yimid W/Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa hawlo shaqo u yimid Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Garoowe ee caasimda Puntland.

Madaxwaynaha waxaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyay madaxda Wasaaradda oo uu hurmuud ka u yahay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi.

Kulan gaara oo ay wada qaateen Madaxwaynaha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga wada hadlay shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kormeerkan shaqo ee Madaxwaynaha waxa weheliyay xubno ka tirsan labada golle ee Dawladda Puntland.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland