19BD9627-C890-48AD-B89E-85252017B95C.jpg

Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Deni iyo wafti uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Burtinle(Sawirro)

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland

Safarka oo ahaa mid dhinaca dhulka ah,waxaa ku weheliyay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dawladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi, Golaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwayne Deni intii uu ku jiray safarkiisa dhinaca dhulka ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Degmada Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana soo dhoweeynta ka qaybqaatay Maamulka Degmada,odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan.

Madaxwaynaha ayaa xariga ka jaray mashaariic laga hirgaliyay Degmada Buurtinle ayna ka mid yihiin Wado Laami ah iyo Xabsi wayn oo halkaasi laga hirgaliyay.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/428881541021987/

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Bulshada reer Buurtinle uga mahad celiyay horumarkan ay sameeyeen ayna sii wadaan, Dawladduna gacan siin doonto.

Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa booqday Xarunta shirkada hirgalisay wadada laamiga ah ee Degmada Buurtinle

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maamliyadda Dawladda Puntland