9B9340F6-D0B4-4463-B982-49E86A4234DC.jpg

Madaxweynaha Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayay oo gaaray Qardho[Sawirro]

QARDHO – Madaxwaynaha Dawladda puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayi ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Soo dhowaynta waftiga Madaxwaynaha waxaa ka qaybgalay Maamulka gobolka kan degmada Issimo,Siyaasiyiin, Nabadoono iyo Bulshada rayadka ah qaybaheeda kala duwan.

Wafiga Madaxwaynaha waxaa kamid ahaa Xubnaha golaha Wasiirada qaybo kamid ahaa gudoomiyaha Gudiga dib u habeynta Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan  Shire Cabdi  iyo gudiga latalinta Madaxwaynaha ee caasimada.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Bulshada reer Qardho uga mahadceliyay soo dhoweeyta ballaaran ee ay u sameeyeen. 

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland