9df52017-b2ac-4e3a-acb2-d6294b9db470

Madaxweynaha Puntland oo aqalka Madaxtooyada shir kula yeeshay Madaxda Wasaaradiisa Maaliyadda(Sawirro)

9df52017-b2ac-4e3a-acb2-d6294b9db470Maanta oo ay taariikhdu tahay 27, June, 2016 waxaa Shir balaaran Wasaradda Maaliyaddu la qaadatay Madaxweynaha Dawladda Puntland Md Cabdiweli Cali Gaas, kulankaas oo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Madaxtooyadda Dawladda Puntland, waxaa kulanakaas ka qayb-galay Masuuliyiinta kala ah:

  • Wasiirka Wasaradda Maaliyadda  Md Cabdulahi Shekh Ahmed
  • Wasiir Ku-xigenka W/Maaliyadda Md Axmed Yaasin Salax
  • Agaasimaha Guud ee Maamulka W/Maaliyadda Mr. Abdirisak Mohamed Hassan
  • Agaasimaha Guud ee Canshuraha Berriga ee W/M Mr. Ali Jama Gashan
  • Xisaabiyaha Guud Dawladda Mr. Abdirisak Sicid Mahamed
  • La-taliyaha Wasiirka Dhinaca Cashuraha Mr. Cisman Xaji Mire
  • Xoghayaha Guud ee W/Maaliyadda Mr. Ahmed Jama Hassan
  • Agaasimaha Miisaaniyadda  Mr. Abdisamad Awad
  • La-taliyaha Wasiirka  Mr. Dayib Ali Mohamed
  • Xiririyaha Mashruuca PFM-ka Mr. Abdiqadir Mohamed Hashi
  • Madaxa Mashruca RCRF  Mrs Shukri Abdiasis Warsame
  • Madaxa FMIS ka = Mr. Faysal Abdulahi Warsame
  • Agaasinka EAFS = Mr. Sicid Ismacil Sicid

Shirkaas waxaa looga hadlayay Arrimaha kala ah:

  • Guud ahaan Maamulka iyo Xisaabaadka Wasaarada
  • Shaqooyinka u qabsoomay Wasaaradda
  • Dhismayaasha cusub ee Wasaaraddu fulisay 2015 ila 2016
  • Guud ahaan halka ay marayaan Cashuuraha Berriga iyo Furdooyinka
  • Nidaamka Xisaabaadka Dawladda
  • Mashaariicda Bankiga Aduunka uu la wado Wasaaradda oo ay ka mid yihiin;
    • Mashruuca PFM
    • Mashruuca RCRF
    • Mashruuca CIP
    • Mashruuca WALP
    • Mashruuca ICT
    • Mashruuca Urban Investment Plane
    • Mashruuca Score
  • Mashruuca JPLG oo ay wada fulinayaa 5 Hay’adood oo UN ah, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Degmoyinka uu ka socdo Mashruucu

Shirkaas wuxuu ku soo gaba-gaboobay jawi wanagsan oo hor’umar ku jiro, waxaana Madaxweynuhu uu ku mahdiyey Shaqada balaaran iyo Mashaariicda balaaran oo ay wado Wasaaradda Maaliyaddu uuna ku hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Cabdulahi Shekh Axmed iyo inta kala shaqaysa hirgelinta hawlahaas balaaran.

0a559c2e-588f-4401-b56a-8e50e12d8819 2bc8164a-b100-4d23-a59a-a7973c89520e 18af3b57-49dc-4f96-a6fe-74fae4d36f64 43ab65e4-7b7a-4e9a-aa12-9c077c63b36c 93b9e45f-a6d2-4aa1-9986-a3de390a21e6 95f55fd7-1282-479e-b68b-9e2ab5c9f881 a51fe5a8-b5ac-4cda-8594-446ca6c6952c b34e666a-bffa-436b-80ad-0ca0a3d0fadd c86d1f05-99b2-4072-8fbc-eb4362edb63e cfc270e7-4bda-4314-8cbb-b18fd2a75c53 d3ab5844-9b69-46bb-862d-6315d322a58a dbd845a4-c435-45cf-955c-321e3d554e1c efce32e8-4f2d-4725-a875-6e109ff1ed75 f05d7a37-abc6-48de-b902-162dbfeb9ba0 f12dae07-2796-42bc-a5f5-05f22312c917

MOF Puntland