Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay dhismaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland(Sawirro)

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Maaliyadda,Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Agaasimaha guud ku xigeenka Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Dhismahan cusub ee loo sameynayno Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka kooban Afar dabaq. Waxana uu qeyb ka qaadan doona horumarinta hannaanka shaqo ee Maaliyadda iyo kor u qaadista dakhliga.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo madasha ka hadlay ayaa Madaxweynaha xog dheeraad ah ka siiyay dhisman, waxana uu sheegay in lagu dhisaayo cashuurta shacabka ay bixiyeen.

Eng. Haashim Xaaji Maxamed Aw Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Al-baashid ee dhismahan fulin doonto ayaa sheegay in ay sideed bilood ku dhamayn doonaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa booqday Bangiga Dowladda oo dhismihiisu heer gaba gaba ah marayo dhowaan la daah furi doono.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland