Madaxweynaha Puntland oo Guddi u magacaabay cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Shir-guddoomiyay Shir gaar ah oo looga hadlayay xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga,kaasoo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe ayaa guddi u magacaabay cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Guddigan ayaa kasoo tala bixin doona cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga, waxayna kala yihiin:

Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland.

Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo maagashiga.

Iyo Bangiga Dowladda Puntland.

Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.

Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland