49C55FD9-A182-4C45-9648-8D5DBA680B60.jpg

Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku yimid Wasaaradda Maaliyadda(Sawirro)

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta booqasho ku yimi Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Madaxwaynaha waxaa Xarunta Wasaaradda  ku soo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi,Wasiirku Xigeenkii Maaliyadda Eng. Cumar Xasan Fiqi,Wasiirudowlaha Maaliyadda  Maxamed Cabdulqaadir iyo Wasiirku Xigeenka Dakhliga Yaasiin Ibraahim Cartan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxwaynaha xog dheeraad ah ka siiyay shaqooyinkii kala duwanaa ee ay qabteen tan iyo markii ay xilka Xafiiska la wareegeen.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland