IMG_9735

Madaxweynaha Puntland oo kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Garowe(Sawirro)

IMG_9735Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda maaliyadda Puntland iyo Bangiga dhexe ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa shaqo ku weheliyey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

Ujeedada kormeerka shaqo ee madaxweynaha ayaa ahayd u kuurgelida iyo ogaanshaha shaqooyinka baaxada leh ee ka socda Wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee DPL.

IMG_9694Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo ay weheliyaan Xisaabiyaha guud iyo qaar kamid ah shaqaalaha ayaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha xarumahan,wuxuuna kadib kulan kula qaatay xarunta.

Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Puntland hawlaha baaxada leh ee ka socota Wasaaradda Maaliyadda Puntland,kadibna waxa uu madaxweynuhu mid mid u galaxy xafiisyada Wasaaradda oo ay goobjoog ahaayeen  shaqaalaha xafiisyadu,is xog waraysi kadib Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iney dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda.

IMG_9722Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland, halkaas oo uu kula kulmay shaqaalaha bangiga, waxaana uu Madaxweynuhu indha indhayn  iyo kormeer ku sameeyey dhammaan xafiisyada kala duwan ee Bangiga.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shaqaalaha Bangiga dhexe ee Dawladda Puntland kula dardaarmay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda Puntland iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.

IMG_9688 IMG_9693 IMG_9695 IMG_9696 IMG_9697 IMG_9698 IMG_9699 IMG_9701 IMG_9703 IMG_9705 IMG_9711 IMG_9713 IMG_9714 IMG_9715 IMG_9717 IMG_9719 IMG_9723 IMG_9733 IMG_9742 IMG_9745 IMG_9753 IMG_9760 IMG_9762 IMG_9763 IMG_9764 IMG_9766 IMG_9773 IMG_9775 IMG_9776 IMG_9778 IMG_9786 IMG_9787 IMG_9788

Xafiiska Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Garoowe