IMG_6031.jpg

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Xubnaha sarsare ee Wasaaradda Maaliyadda PL(Sawirro)

Xarunta Wasaaradda Maalinyaddda Dowladda Puntland ee Magaaladda Garowe waxaa ka dhacay kulan Muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xubnaha Kulankan ka dhex muuqanayay ayaa waxaa ka Mid ahaa Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Ahna sii hayaha xilka Wasiirka,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimayaasha Waxyaha Wasaaradda.

Muhiimadda ugu weyn ee Kulankan loo qabtay waxay tahay sidii loo dar dar gelin lahaa horu usocodka howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo sidii loo yareyn lahaa Qarashyadda Dakhliga ah ee Wasaaradda .

Kulankan ka dib Madaxweynaha Dowladda iyo Wefdiga Wasaradda Maaliyadda ayaa waxay kormeer ku tageen Xarunta dhismaha Wasaaradda oo dhawaan la filayo in la soo gaba gabeeyay Xarigana laga jaro.

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban ee dhismaha Xarunta Wasaradda ka dhageystay  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Injineerka gacanta ku haya dhismaha Xarunta Wasaaradd Maaliyadd.

Maxamuud Cabdisalaan Xasan Ducale

Madaxa Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Xafiiska Garoowe