8C3F9DDB-83F2-4998-ADA8-EEB846246302.jpg

Madaxweynaha Puntland oo maanta Kormeer kusoo gaaray Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]

Madaxwaynaha Dawladda puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Dani ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Eng.Cumar Xasan Fiqi iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir.

Kulankaan ay wada yeesheen Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa looga wadahadlay habsami u socdka shaqada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Madaxda ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay uga wada arrimaha Miisaaniyadda iyo xaaladda dhaqaale ee dalka.

Xafiiska Wacyigalint iyo warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland.