FB_IMG_1547301976349.jpg

Madaxweyne Dr Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe[Sawirro]

Madaxweynaha Dowladda Pubtland Dr Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha iyo Waftiga uu hogaaminaayay,waxaa xarunta Wasaardda kusoo dhoweeyay Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Siciid Carsh,Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Agaasimaha guud ee dakhliga Xasan Cali Samatar iyo madaxkale oo ka tirsan Wasaaradd Maaliyadda.

Madaxwaynaha ayaa kulan la qaatay Madaxda Bangiga dhexe ee dawladda Puntland oo ay ka wada hadleen Hannaanka Dhaqaalaha ee dalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dhinaca Dakhlig.

 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland