FB_IMG_1528636834525.jpg

Madaxweyne Gaas iyo Wasiir Carshe oo Xariga ka Jaray Wado Laami ah oo laga hirgaliyay Garoowe[Sawirro

Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxmed Cali Gaas iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa xariga ka jaray wado Laami ah oo laga hirgeliyey Caasimadda DPL ee Garoowe.

Wadadan ay sida wadajirka ah Xariga uga jareen Madaxwaynaha Puntland iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa bilihii la soo dhaafay shaqadeedu ka socotay magaaladan garowe ugu dam bayntiina la soo afmeeray.

Jidkani dherarkiisu waa 1400 miter,oo loo sameeyay hab casiri ah waxana samaysay shirkada TTN oo laga leeyay Dalka Turkiga waxana ay isku xiri doontaa Xarumaha Dawaldda waxana loogu magacdaray (Wadada Wasaaraddaha)

Wadadan waxaa dhaqalaha ku baxay waxaa bixisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee uu Hogaanka u hayo Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe (Dhaqaaje) waxana ku baxay aduun lacgeed oo dhan $200,000 Laboboqol oo kun oo Dolar waana wado ka duwan Wadooyinkii horay looga hirgaliyay caasimada.

Xaflada xarig-jarka,waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha DPL, golihiisa Wasiirada, Xildhibaano, Madaxda Wasaradda Maaliyadda oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaradda, Agaasimaha guud, Xisaabiyaha guud, kuxgeenka Agaasimaha guud Duqa Caasimada Garowe iyo, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, lataliyayaasha Wasaaradda iyo Xoghayaha guud ee W/Maaliyadda.

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan isagoo ka hadalaya wadadan waxa uu yiri..”
…Wadadan waxa ay fursad wayn utahay Xarumaha Dawladda waxana ay sahli doontaa isu socdka gadiidka iyo dadwaynaha waxana ay horay u ahayd wado maristeeda gaadiika iyo dadwaynuhu ku dhib qabeen manta se is badal ayaa ka muuqada ilaah baa mahadaaleh wana talaabo horay loo qaaday Wasaaradda Maaliyadduna dadal dheeri ah ayay ku bixsiay “ayuu yiri

Cabdullahi Saciid Carshe (Dhaqaaje)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullahi Saciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa hal kaasi ka hadaly waxana uu yiri

” Wadadan waxaa lagu hirgaliyay iskutashigii uu madaxweynuhu ku baaqay wana canshuurtii shacabka laga qaday oo dib loogu celiyay wana muhiim in shacabku fahmaan canshuurta laga qaday iyo halka ay martay tanina waxa ay soo galaysaa isla xisaabtan shacabkanu waa muhiim in ay dawladda la shaqeeyaan sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Puntland wuxuu kale oo xusay in Dadka dibadaha ku nool aysan arkin horumarka dalka ka socda wuxuuna ugu baaqay dadka ku dhaqan dibada in ay ka qayb qaataan horumarka dalka ka socda, Waxaa kale oo Wasiirku balan qaaday in wadadan gelin doonaan Leydhad cadcadeedaku shaqeeya si habeen iyo maalinba loo isticmaalo…”ayuu yiri 

Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Gabagabadii waxaa xariga ka jaray Wadada Madaxweynaha DPL Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hal kaasina ka hadlay waxana uu sheegay in ay wadadani ka fiican tahay wadooyinkii horey loo dhisi jiray laguna hirgeliyey isku tashigii Dowladda ee ahaa in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha Madaxda Wasaaraduna ay shaqo wanagsan qabteen.

Wadadan oo loo yaqaano Wadada Wasaaradaha waa mid kamid ah Waddooyinka ugu muhiimsan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe,iskuna xiriirisa xafiisyada Wasaaradaha iyo magaalada, waana mid ay dadaal dheeri ah ku bixiyeen madaxada Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Baahintii .Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland