3BC277BE-82AC-43BD-ABD7-D8F2CABC847F.jpg

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo daahfuray Mashruuca Kobcinta iyo Abaabulka Dakhliga,Maareynta Maaliyadda(Sawirro)

Madaxwayne kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa daahfuray Mashruuca kobcinta iyo Abaabulka Dakhliga, Maareynta Maaliyadda Dawladda iyo xoojinta Awoodaha Dhaqale.

Mashruucan ayaa ah mid uu maalgalinaayo World Bank, waxana ganacsatada Puntland lagu baridoonaa habka wanaagsan ee bixinta Cashuuraha.

Daahfurka mashruucan waxaa ka soo qaybgalay Madaxwayne kuxigeenka Puntland Axaned Cilmi Cismaan Karash,Wasiirku xigeenka Dakhliga,Wasiiru dawlaha Maaliyadda,Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda,iyo Gacnacsato.

Muhiimada mashruucan ayaa ah isfahan dheer oo dhexmara Dawladda iyo Ganacsatada loona sameeyo aqoonsiyo lagu kala garanaayo Cashuur bixiyaha iyo kan aan bixin Cashuurta  ku waajibtay.

Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland ayaa daahfuray mashruucan,waxana uu la hadlay Ganacsatadii ka qaybgashay daahfurkaasi.

“Waxaan idiin sheegayaa bixinta Cashuuraha muhiimad bay u leeyihiin Dawladaha waawayn iyo kuwa yar yar waxana wax loogu qabtaa bushada sida, sugida Aminga wana  dhaq dhaqaaqa Dawladda “

Madaxweyne ku xigeenka oo khadbadiisa sii-wata ayaa yiri

“Gancsatada waxaan ka cod sanaynaa in ay Cashuurta si habsami leh u bixiyaan inta khasab imaan lahaa waayo waa Horumarka dalka, Dawladduna si ay wax qabad u samayso “.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland