bosaso-port

Maxaynu u bixinnaa Cashuuraha?

bosaso-portDawladu waxay siisaa adeegyo kala duwan dadkeeda, oo ay ka mid yihiin waxbarasho, caafimaad, biyo, amni, jidad iyo kuwo la mid ah. Si loo bixiyo alaabada dadwayanaha iyo adeegyada, dawladu waxay si aan kala har lahayn u isticmaashaa Cashuurta iyo ilaha kale ee dakhliga sidii horay loo sheegay. Sidaa awgeed Cashuurta bixinteedu waa khasab iyadoo aan loo baahnayn in lala xiriiriyo wax faaiido ah oo laga helo alaabo dawladeed iyo adeegeeda (Hyman, 1990).

Waa muhim in la xuso , in bixinta Cashuurta aynaan ka helayn wax toos ah iyo adeeg dhaqso ah, isla markiiba. Tan kale bixinta cadadka Cashuurta , tusaale, sh.so. 1,000,000 bishii Janaayo, macnaheedu maaha in lacagtaas aad ku helaysid adeeg caafimaad,waxbarasho,adeeg amni isla bishaas.

Sababaha aynu u bixinno Cashuurta waxay tahay in aan qof quri ahi ,awoodin in uu si buuxda u bixiyo adeega ay isticmaalayaan waana musuuliyada dawlada in ay ururiso Cashuurta si ay ugu bixiso alaabada iyo adeega ay dawladu ugu faaiidaynayso dadweynaha.

Suaalaha iyo doodaha imaanayaa waxay tahay muxuu yahay nidaamka cadaalada ah ee Cashuurta iyo qoondayn culays Cashuureed oo ku salaysan cadaalad; tusaale, Cashuur ku
salaysan maal, dakhli iyo awoodii lagu bixin lahaa hawl dhaqaale ama faaiido daneed (Spitzer). Tan jawaabteedu waxay sida badan ku salaysantahay sharci iyo qaab dhismeed sharciyaysan oo lagu go‟aamiyo dejinta nidaamka Cashuureed ee dalkasta.

Wax kasta oo jira dejinta nidaamka Cashuurta, ahdaafta guud ee sida balaaran looga qoro nidaamka Cashuurta waxaa ka mida:

In la soo saaro dakhli si loogu isticmaalo in lagu bixiyo hawlaha dawladda

In ay ka kaalmayso dib u qaybinta hantida iyo dakhliga (si xaqsoor/cadaalad ah).

Ujeedo xeerin oo muujinaysa dhiirigelinta ama dhiirigelin la‟aanta shaqooyinka qaarkood sida sigaar cabida iyo sheyada la mid ah.