Odorska Miisaaniyadda Sanadka 2022-ka oo laga shiray(Sawirro)

GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland , waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay soo bandhigidda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2022-ka.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, waxaana ka soo qeybgaley Wasiir kuxigeenka Maaliyadda,Wasiiru Dowlaha, Agaasimaha Guud ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo dhammaan Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka dhageystay mas’uuliyiinta xogta Odoroska Dakhli iyo Kharashka la filan karo Sanadka 2022, iyadoo ay qiyaas ka bixiyeen Miisaaniyadii dhabta aheyd ee sanadka 2021 bilihii January illaa August 2021, taasoo laga qaadan doono Odoroska Sanadka 2022.

Sidoo kale, Miisaaniyadda 2022 ayaa la filayaa in ay noqoto Miisaaniyaddii ugu waxqabadka Wanaagsaneyd, taasoo ay ka muuqan doonaan horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada Dowladdnimadda.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta sida wanaagsan oo ay u soo ban-dhigeen Odoroskan, isla markaasna ku booriyay in si deg deg ah loo dhameystiro jadwalka Miisaaniyadda, si loogu gudbo wajiyada xiga iyadoo lagu dari doono tala soo jeedinta la sameeyay.

Wasaaraddda Maaliyaddda Puntland, ayaa wada horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo kobcinta dakhliga Dowladda, waxaana barbar socda hirgalinta mashaariic ballaaran oo ay ka mid yihiin hagaajinta iyo dhisida Dakadaha iyo Jidadka, kuwaa soo waxtar u leh dadka Puntland.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Maaliyadda ay bixisay dhammaan mushaaraadka shaqaalaha, Ciidanka iyo hawl socod siinta Hay’addaha Dowladda muddii sanadka 2021 ee lasoo bandhigay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafintta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland