4AD598D7-6753-4347-9559-0A0DE524FFBE.jpg

Ololaha Cashuur qaadista Wasaaradda Maaliyadda oo ka soconaya magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismacil C/nuur Geesey ayaa sheegay in magaalada gaalkacyo Wasaaradda Maaliyaddu kawado olole balaraan oo lagu qaadayo cashuuraha gadiidka.

Ololahan Cashuuraha Gaadiidka ayaa socda habeenkii 5aad ayna wadaan Ciidanka ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug

Wadooyinka waaweyn iyo isgooysyada magaalada ayaa waxaa ku sugan shaqaalaha Wasaaradda oo hubinaaya Gaadiidka aan Cashuurta bixin.

Barnaamijkaan ayaa qeybka ah sare uqaadida dakhliga dowladda kaas oo lafdhabar u ah harumarinta iyo jiritaanka dowladnimada.

Habeenkii ayaa inta badan waxa wadooyinka mara gadiidka maalintii ladhuunta cashuuraha balse madaxdaWasaaradda Maaliyaddu ay shaqeeyaan habeen iyo maalin.

Xaafiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Puntland