Ololaha Cashuurta oo si dardar leh uga socda degmada Carmo[Sawirro]
Waxaa Magaalada Carmo si habsami leh uga socda ollole cashuur ururin ah taasoo magaalada dhexdeeda laga qabqabanayo Gadiidka la dhuunta cashuurta wada Marista.
Maamulka ,shaqaalaha iyo Ciidanka ilaallada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta C/Berriga Degmada Carmo aya wada ollole ah inaan gadiid cashuur lagu leeyahay aanu magaalada Carmo ee gobolka Bari.
Maamulaha C/Berriga Degmada Carmo Cabdulahi Maxamed Rooble ayaa la yimid dardargelin Cashuur Ururin ah iyo sidii illo dakhli oo hor leh loo abuuri lahaa iyadoo laga duulayo balanqaadyadii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ee ahaa in dakhliga Wasaaradda kor loo qaado, si loogu horumariyo adeegyada Dawladda iyo kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka.
Maamulaha C/Berriga Degmada Carmo ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ee degmada Carmo iney bixiyaan cashuuraha ku waajibey.
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland