8711EA0E-433B-4BE6-B28E-4F8328526870.jpg

Ololaha qaadista Cashuuraha Gaadiidka oo ka bilowday Puntland (Sawirro+Video)

Madaxda iyo Ciidamada ilaalinta Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Barri ayaa si wadajir ah u bilaabay ololaha Cashuuraha Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada ilaalinta Cashuuraha ayaa ku guulaystay in ay soo qabteen Gaadiidka aan Cashuurnayn ee socday wadooyinka magaalada Boosaaso.

Ololahan Cashuuraha Gaadiidka waxaa hoggaaminayay Maamulaha Cashuuraha gobolka Bari Maxamed Cabdale Waabari iyo Taliyaha Ciidamada ilaalinta Cashuuraha Col. Maxamed Baari.

Qaadista Cashuuraha Gaadiidka ayaa si u socda si habsami leh iyadoo wadayaasha Gaadiidku ay qaadanaayeen amarka ay siinayeen saraakiisha.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/281814132537948/

Gaadiidka ay soo qabteen Ciidamada Cashuuraha ayaa lageeyay Xereda hawlaha guud si halkaasi ay ugu Cashuuraan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee halkaasi ku sugan.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Barri Maxamed Cabdale Waabari oo la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafint ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Ololaha Cashuuraha Gaadiidka.

Dhanka kale dhismaha ay Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Dekeda Boosaaso waxaa kulan ku yeeshay madaxda Wasaaradda,Wasiirka hawlaha guud,Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland madax Bangiga iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirku Wasiirku kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka hadlay ololaha Cashuuraha Gaadiidka gobolka Bari.

Wasiirka Fiqi ayaa Bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuuraha,Dawladduna si daah furnaan ah bulshada ula wadaagi doonto.

Dhawaan ayay hayad markii Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi uu shaaciyay in ay bilaaban doonaan ololaha ku aadan Cashuuraha Gaadiidka.

Ololaha Cashuuraha Gaadiidka ayaa maanta si guud uga bilowday Gobolada Puntland sida ay shaaciyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland