A32AA201-B04C-4C49-AFA1-F68864B21068.jpg

Puntland oo martigelisay Shir looga hadlay Hannaanka Maaliyadda dalka[Sawirro]

GAROOWE – Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland waxaa lagu qabtay shir looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda dalka.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare, madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalla iyo madaxda Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda dalka waxaa marti galisay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa madaxdii kala duwanayd  ee ka qaybgashay shirkaasi uga  mahadceliyay kasoo qaybgalkooda, waxana uu sheegay in ay kusoo dhoweeynaayaan Puntland.

Shirkan intii uu socday waxaa looga hadlay qodob oo ay kamid yihiin 

  1. Ka tashiga hindise sharciyeedyada  Maamulka Maaliyadda guud ee dalka. 
  2. Wax ka badelka sharciga iibka Qaranka iyo sharciga Cashuuraha Furdooyinka.

Shirkan looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda marka uu soo idlaado ayaa la filayaa in ay kasoo baxan qodobo muhiim ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.