Safiirka Dalka Switzerland Ambasador Valentin Zellweger oo booqday W.Maaliyadda

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame “Qowdhan” oo ay weheliyaan Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo hawlwadeenada Mashruuca RCRF iyo PFM/DRM ayaa la kulmay wafdi uu hogaaminayo Safiirka Dowladda Switzerland ee Soomaaliya Dr Valentin Zellweger.
Safiirka Dowladda Switzerland kulanka waxaa ku waheliyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha gobolka ee iskaashiga ee Safaaradda Switzerland Thomas Oertle iyo lataliyaha Maamulka iyo arrimaha Siyaasadda ee Safaraadda Nimo Jirde.
Ujeedka Kulanka ayaa ahaa sidii ay Wasaaradda Maaliyadda ugu soo bandhigi lahayd Safiirka iyo wafdigiisa shaqooyinkii horumarka laga sameeyey ee ay qabatay Wasaaradda Maaliyaddu sida,horumarinta arrimaha adeegga aasaasiga oo ay Dowladdu ka qabatay horumar ballaaran, warbixnta guud oo ku saabsan hannaanka horumarinta Maaliyadda, kobcinta Dakhliga iyo maamullidda mashaariicda Bankiga Adduunka iyo JPLG-ga.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa u mahad celiyay Safiirka Soomaaliya ee Dowladda Switzerland booqashadiisa Puntland gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda oo xudun u ah horumarka Dawladnimida ee dhanka Maamulka Maaliyadda isagoo uga mahad celiyay sida ay u garab taagan yihiin arrimaha doorashada , ka qayb qaadashadda mashaariicda hormarineed oo door wayn ay ka qaataan Dawladda aan saaxiibka nahay ee Switzerland, sidoo kale Wasiirka ayaa warbixin Guud ka bixiyay hadafka Dawladda ee arrimaha doorashada
Safiirka ayaa uga mahad celiyay horumarka ballaaran oo ay Dowladda Puntland ka sameesay dhanka doorashooyinka, horumarinta adeegyada aasaasiga sida caafimaadka, waxbarashadda, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo halbawle u ah horumarka Dowladnimadda. Wafdiga Safiirka ayaa loo soo bandhigay shaqooyinka ay Wasaaradda Maaliyadda ka qabato arrimaha daadajinta Maaliyadda ee Dowladaha hoose oo ay Dowladda ka tahay caawiyaasha ugu waawayn ee ku bixiya dhaqaale fara badan mashruuca JPLG, waxay aad ugu mahad celiyeen sida Wasaaraddu ugu howlan tahay horumarinta iyo kobcinta adeegyadda aasaasiga si loogu dhaweeyo adeegyadda kala duwan ee bulshaddu u baahan tahay.