2869F345-91DC-472C-83E7-AFE7DAB4C311.jpg

Sarkaal ka tirsanaa W/Maaliyadda Puntland oo loo xukumay hanti-lunsasho(Sawirro+Video)

Maxkamadda Darajada 1Aad ee Golbolka Barri ayaa xukun ku riday Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland oo lagu eedeeyay Hanti lunsasho iyo adeegsi warqado been abuur ah.

Cawaale Maxamuud Shiikh kana mid ahaa Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda qeybta dakhliga ee degmada Carmo 26 sano jir ah ayaa horay Ciidamada Boolisku uga soo qabteen magaalada Carmo ee gobolka Bari.

Sarkaalkan ayaa lagu soo eedeeyay Hanti lunsasho iyo isticmaalka waraaqo been abuur ah baaris dheeraad ah ka dibna maanta la hor geeyay Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Barri.

Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamadda hor keenay cadaymo iyo qodobada 241,366,376 qodobadan oo uu u cuskaday Xatooyo Xoolo dadwayne oo dhan (2751)Doolar iyo adeeg siga waraaqo been abuur ah.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/790332044686515/

Eedeysanahan ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu adeegsaday warqado been abuur ah loogana keenay Gobolada Waqooyi ee maamulka Somaaliland.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari Abuukar C/nuur Jaamac ayaa shaaciyay xukun ka eedeeysane Cawaale maxamuud shiikh oo lagu Xukumay 4 Sano oo Xabsi ah (500)Shan boqol oo Doolar oo Ganaax ah iyo in uu bixiyo( 2751) labo kun todobo boqol konton iyo kow Doolar.

Shaacinta Xukunkaasi kaddib ayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1AAD ee Gobolka Barri Abuukar C/nuur Jaamac sheegay in racfaan ufuran yahay.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland