012.jpg

Shaqaalaha Cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda oo tababar loogu qabtay Boosaaso[Sawirro]

Tababarkan oo ah mid lagu baranayo siyaasadda cashuuraha ayaa loo qabtay shaqaalaha cashuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ayaa socon doona muddo laba berri ah,waxaa ka qeybgalaya shaqaalaha Wasaaradda oo ka kala yimid Bari,Sanaag,Haylaan iyo Gardafuu shaqaalahooda Cashuuraha Berriga.

Madaxa Tababarada ee Wasaaradda Cabdiqaadir oo tababarka furay ayaa sheegay in looga baahan yahay shaqaalaha ka qeybgalaya iney si wanaagsan uga faa’ideystaan casharada.

Tababarkan ayaa bixinaysay UNICOM khabiir ka socday ,halka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay fududaysay qabsoomidiisa.

Tababarkan ayaa wejigiisii koowaad lagu soo qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,waxaana ka qeybgalay shaqaale ka socda gobolada Karkaar,Nugaal,Sool iyo Mudug

Hoos ka daawo sawirada

Waaxda Wacyigelinta Iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland