dsc_0418

Shaqaalaha Furdada Boosaaso Iyo Ciidanka oo qabtay Alaab Cashuurta lagala baxsanayey iyo Baco la Mamnuucay[Sawirro]

dsc_0418Shaqaalaha iyo Ciidanka furdada ee magaalada Boosaaso ayaa maanta ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan baco si tuugnima ah looga soo dejiyey Dekeda iyo qalab kale oo la doonayey in cashuurta lagala baxsado.

Shaqaalaha iyo Ciidanka oo Iskaashanaya ayaa qabtay 200 oo kartoon oo Bacaha madow ee wax lagu rito halka alaabta kale ka kooban tagay 45 kartoon oo lagu soo qariyey Raadiyaal,saacado iyo Uunsi la doonayey in cashuurta lagala baxsado.

Goobta lagu soo bandhigay ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxda Furdada Boosaaso,Taliyaha dekeda Boosaaso iyo Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari iyo shaqaalaha furdada.

dsc_0423Maamule kuxigeenka Furdada Boosaaso Dhagaxtuur oo Saxaafada ugu horeyn la hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha iyo Ciidamada furdada Boosaaso ku ammaanayo iney qabteen alaab la doonayey.

Waxa uu sheegay in dadka watay alaabtan iyo bacahan ay doonayey in si tuuganimo ah ugala baxaan dekeda Boosaaso iyagoo si xirfadeysan ugala dhuumanaya Cashuurta balse la qabtay.

 200 kartoon bey bacahaas ka kooban yihiin oo tuuganimo inta laga gaaray lagu soo guray afar boorso midii ugu hooseysay iyo 45 kartoon oo iyaguna ka kooban Raadiyaal,saacado iyo Uunsi””ayuu yiri Dhagaxtuur.

dsc_0353Taliyaha dekeda Boosaaso Axmed Cali Xaashi Iyo Taliyaha qeybta Booliska gobolka Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka ay heegan u yihiin wixii cashuur ku saabsan iyo wixii amni-darro ku saabsan iney qabtaan tallaabadana ay bilow u tahay.

Labadii qof ee lagu qabtay bacahan iyo alaabtan kale ayaa xabsiga loo taxaabay ,waana xukun sugayaal Maxkamadeed.

Si kastaba shaqaalaha iyo ciidanka furdada ayaa marar badan ku guuleystay iney qabtaan alaab si sharci-daro ah la doonayey in lagu soo geliyo Puntland taasoo ugu danbeysay hub ay qabteen.

dsc_0355 dsc_0359 dsc_0361 dsc_0365 dsc_0369 dsc_0380 dsc_0388 dsc_0397 dsc_0404 dsc_0415 dsc_0418 dsc_0424 dsc_0429 dsc_0433 dsc_0436 dsc_0446 dsc_0448 dsc_0452 dsc_0453 dsc_0454

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com
Bosaso.Office