Shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland oo lagu tababarayo nidaamka casriga ah ee IPSAS ( Sawirro)

BOOSAASO – Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ku qabtay magaalada Boosaaso tababar ku saabsan nidaamka casriga ah ee IPSAS.

Tababarkan waxaa ka faa’iidaysanaya Xafiiska Xisaab Celinada iyo Xafiiska Xisaabaadka gobolka Bari.

Tababarkan waxaa daahfuray Xisaabiye Ku-Xigeenka Dawlada Puntland Cali Jaamac Gaashaan iyo sidoo kale Khabiirka Procurement-ga ee Wasaaradda Maalyadda Mudane Xasan Biinke.

Mudada uu soconayo tababrkan ayaa waxaa lagu baranayaa nidaanka caalamiga ah ee loo diyaariyo xisaab xirada ee loo  yaqaano IPSAS Cash Bases.

Tababarkan ayaa qayb wayn ka ah Reform-ka uu Xafiiska Xisaabiyaha Guud wado.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland