1.jpg

Shaqaalaha W/Maaliyadda Puntland oo Tababar looga furay magaalada Garoowe[Sawirro]

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa maanta tababar u furtay shaqaale ka tirsan Wasaaradda ee ka kala socday saddex gobol oo ka tirsan Puntland.

Tababarkan ayaa ,waxaa uu ku saabsanaa sidii shaqaalaha canshuuraha berriga aqootooda kor loogu qaadi lahaa iyadoo la barayo qaabka dakhli xaraynta,qaabka warbixinada loo diyaariyo guud ahaa.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta,Tababarada iyo Tirakoobka Cabdiqaadir Cali Ismaaciil ayaa faahfaahin ka bixiyay tababarka,waxa uu sheegay in loo qabtay shaqaalaha W/Maaliyadda ee gobolada Bari,Gardafuu iyo Sool.

…”” Tababarkan ,waxa uu ku saabsan yahay sidii shaqaalaha canshuuraha berriga aqoontooda kor loogu qaadi lahaa iyadoo la barayo qaabka dakhli xaraynta ,qaabka warbixinada loo diyaariyo guud ahaan”ayuu yiri Cabdiqaadir

Agaasimaga Guud ee Dakhliga W/Maaliyadda Puntland Cismaan Buux Cali oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha ka qeybgalaya tababarka iney ka faa’ideystaan casharada ku baxaya tababarka.

Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday tababaro kor loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha W/Maaliyadda taasoo ay ka gacan siinayso Hay’adda UNICOM.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland