DSC_0899

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Caawiyey Gabar Curyaan ah

DSC_0899Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Puntland ee ka howgala Boosaaso ayaa maanta gaariga curyaamada ku wareejiyey Xaliimo Siciid Nuur oo ah gabar muddo ku xanuusanaysay magaalada.

Shaqaalaha ayaa gaariga ugu iibiyey lacag ay iska uruuriyeen oo ay ka jareen Mushaharkooda ,waana nooca curyaamada lagu riixo.

DSC_0903Xaliimo Siciid Nuur ayaa muddo dhul jiif la ahayd xanuunka dabaysha ,iyadoona bulshada magaalada Boosaaso loogu baaqay iney caawiyaan gabadhan.

Xoghaynta Guud shaqada & Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada Puntland Khadar Barre Maxamed ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaradu isu xilqaameen caawinta gabadhan kadib markey arkeen Xaalada ay ku jirto.

Agaasimaha Waaxda Maamulka & Shaqaalaha W/M Maxamuud Saalax Axmed (Caato) ayaa gaariga ku wareejiyey gabadha curyaanta ah hooyadeed ,isagoona ugu baaqay Ummada Soomaaliyeed iney u gargaaraan gabadhan.

Boosaaso