FB_IMG_1536603057372.jpg

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo tababar loogu qabtay Garoowe[Sawirro]

Waxaan maanta oo taariikhdu tahayd 10.09.2018 loo furay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda tababar ku saabsan sida loo diyaariyo,sida loo baahiyo, sida loogu dhaqmo iyo warbixinteeda Miisaaniyadda Dakhliga it kharashka.

Tababarkan ayaa waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Maxamed iyo Xisaabiyaha Guud Cabdirisaaq siicd Nuur,Agaasimaha Miisaaniyadda Cabdisamad Cawad Cismaan.

Tababarka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,isagoo kula dardaarmay shaqaalaha Wasaaradda in ay ka faa’iideyataan tababarkan,waxaa tababarka bixinayey khabiir Magiciisa la Yiraahdo Cismaan Siciid, waxaana Maalgelinaya Bankiga Aduunka .

Tababarkan iyo kuwo horey loo qabtayba waxaa looga gol leeyahay tayeynta iyo hagaajinta Nidaamka Maaliyadda ee loo yaqaan (Public Financial Management)

Ugu danbeyn waxaa bilowday casharadii oo soon doona mudo 4 maalmood ah,waxaana ka qayb galaya shaqaale ka kala yimi dhamaan Gobolada Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland