dsc_0642

Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Tababar loogu soo gabagabeeyey Boosaaso[Sawirro]

dsc_0642BOOSAASO – Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa loogu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan oo ku saabsan habka Maareynta Xogta Maaliyadda oo loo yaqaan Financial Management Information System (FMIS) nidaamkan oo ah barnaamuj Computerized ah kaasoo ka qayb qaadanaya Maamulida Maaliyadda dalka.

Tababarkan ayaa,waxaa bixinayey Tababarayaal aqoon sare u leh casharada lagu baranayo ayaa waxaa ka qeybqaatay shaqaalaha Wasaaradda qeybaheeda kala duwan sida qeybta Xisaabaatka,Miisaaniyada,Maamulka,dakhliga iyo Bangiga.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Iyo Tababarada Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Cali Ismaaciil ayaa gabagabadii Tababarka kula dardaarmay shaqaalaha iney aqoontooda ugu shaqeeyaan bulshada.

Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka hadlay dareenkooda ,ayaa sheegay iney si weyn uga faa’ideysteen tababarka isla markaana ay ku shaqeyn doonaan.

Hirgelinta barnaamujkan wuxuu yahay in ]dib u habeyn lagu sameeyo hab-maamulka Hantida guud (Public Finance) si loo gaaro Hufnaan iyo Isla xisaabtan, taasoo looga gol leeyahay sare u qaadida shaqada Hay’adaha Dowladda.

dsc_0490 dsc_0492 dsc_0501 dsc_0502 dsc_0503 dsc_0522 dsc_0526 dsc_0527 dsc_0531 dsc_0532 dsc_0535 dsc_0536 dsc_0537 dsc_0545 dsc_0547 dsc_0549 dsc_0555 dsc_0633

Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com
Bosaso/Office