1

Shaqaalihii Ugu Tiro badnaa ee W/Maaliyadda Puntland oo Tababar ugu baxay dalka Kenya

1Waxaa maantay oo taariikhdu tahay 28-May 2016 lagu sii sagootiyey Garoonka caalamiga ah ee Konoco Airport Garoowe, shaqaale , madax iyo khuburo ka kala socda Wasaaraddaha, Waaxyahaha iyo Hay’adaha Maaliyadda,shaqaalahaas oo tiradoodu dhan tahay 27 qof.

Shaqaalaha waxaa sagootiyey Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo shaqaalahaMaaliyadda Mudane C/risaaq Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Mudane Cismaan Buux Cali.

Labadan mas’uul waxay kula dardaarmeen shaqaalaha inay ka miro dhaliyaan isbedelka maaliyada (PFM reform) ee Dowladda Puntland wado uuna ka caawinayo Bankiga Aduunka.

5Mudane Cabdirisaaq iyo Buux ayaa labaduba si adag shaqaalaha ugu guubaabiyey in ay cilmiga ay soo bartaan ay u gudbiyaan shaqaalaha kale oo ay iyagu sii tababari doonaan.

Tababarkan ayaa wuxuu ku saabsan yahay barnaamujka loo yaqaan “FinancialManagement Information System” (FMIS) , oo ah Habka Maareynta Xogta Maaliyadda.

Shaqaalaha ayuu ka saacidaya Dowladda ku dhaqanka Miisaaniyadda, XereyntaDakhliyadda, Bixinta kharashyada, Maareynta Shaqaalaha, Hantidhowrka iyoXisaabaadka iyo Warbixinada.

Waaxda Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com