Shir ku saabsan Barnaamijka Hirgelinta dib u habaynta Shaqaalaha iyo Hay’adaha PL oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa qabatay Shir ku saabsan Barnaamijka hirgelinta dib u habaynta shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda laguna qabtay Garoowe.

Shirkan ayaa ah mid tababar ah oo ay bixinayaan khuburo kaasoo ah kobcinta iyo dardargelinta shaqa maalmeedka shaqaalaha sida :

  1. Tinraining Need Assessment
  2. Dib u habayn lagu sameeyo Structure Wasaaradda.
  3. Samaynta shaqo qeexis dhammaystiran oo hoos u daadagsan.
  4. Hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka lagu dhaqo shaqaalaha rayidka ah.
  5. Diyaarinta qorsaha sannad laha ah, lix biloodlaha, saddex biloodlaha iyo billaha.
  6. Diyaarinta.

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane CabdiFataax Cali Jaamac Warsame oo ku hadlayey afka Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadd ayaa furay shirkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyada
Dowladda Puntland