Shir ku saabsan Dardar-gelinta Shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa kulan Kan shir guddoomiyay, kulan ayaa ku saabsanaa dardar gelinta shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan ayaa hadafkiisa guud ahaa in warbixino laga dhageysto dhammaan Waaxyaha kala duwan iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada iyo shaqaalaha, maamulka iyo guud ahaan howlaha ka socda Wasaaradda Maaliyadda.

Ku simaha Agaasimaha guud Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir oo la hadlay Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta W/Maaliyadda ayaa shirka ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh dardar gelinta shaqo ee Wasaaradda.

“ Runtii , wuxuu ahaa shir diirada lagu saaray sidii Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay shaqooyinka kala duwan ay bulshadda u hayso loo laba jibaari lahaa, loo dardar gelin lahaa , loo xoojin lahaa in dhammaan Qorshayaasha shaqo ay W/Maaliyaddu leedahay 2021 ugu qabsoomo sidii loogu talagalay.. “ ayuu yiri.

Shirkan ayaa qodobada kale ee muhiimka ah ee looga hadlay , waxa qayb ka ah in loo diyaar garoobo Qorshaha diyaarinta howlaha ay isla wadaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorsheynta ee ah ( National Development Plan).

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa dhankeeda dood ka yeelatay dhammaan Waaxyaha lagu amray in Waax kasta soo diyaariyaan shaqooyinka muhiimka ah, si loo fududeeyo howlaha horyaalla, loona helo shaqo rasmi ah taasoo ka turjumaysa Waxqabadka dhabta ah ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa madax iyo shaqaaleba , waxaa la isku raacay in shaqooyinka loo hayo bulshadda Puntland la sii laba jibaaro , loona xoojiyo si ka duwan sidii hore.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland