Shir ku saabsan Habka Qiimeynta Kartida Shaqaalaha oo lagu qabtay Garowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir ku saabsan habka qiimaynta kartida shaqaalaha ee loo yaqaan [performance Appraisal].

Shirkan ayaa ah mid lagu soo bandhigayay qaabka ugu wanaagsan ee looga faa’idaysan karo xirfada shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland halka madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntlanduna qiimeyn ugu sameeyaan shaqaalaha ay xukumaan taasoo loo sameynayo Waaxyaha dhammaantoodqeexida shaqooyinkooda[Terms of reference].

Shirkan waxa kasoo qayb galay dhammaan madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayagoona bogaadiyay khabiirka soo jeedinta sameeyay iyo shaqada wanaagsan ee u ka qabtay.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland