Shir looga hadlaayay Kobcinta Cashuurta iyo Dakhliga oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir looga hadlaayay kobcinta cashuurta iyo dakhliga Puntland.

Shirkan oo lagu qabtay habka muuqaal baahiyaha ee ZOOM-ka ayaa waxa soo agaasimay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyadoo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda,
Agaasimayaasha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulayaasha
dakhliga ee dhammaan goboladda.

Ujeedada shirka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa nidaamka cashuur uruurinta iyo hirgalinta qorshaha cashuuraha ee Dakhliga sanadka 2021.

Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa ka warbixiyay xaaladda dakhliga
ee Puntland iyo qorshaha dakhliga si kor loogu qaado dakhliga Guud ee Dowladda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdi Ibrahim Warsame ayaa
xusay tallooyin mira dhal ah oo kor loogu qaadayo dakhliga isagoo sheegay tiro qoddobo ah oo wax wayn ka badalaya dakhliga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa shirka ka xusay in sanadka 2021 loo aqoon saday in dakhliga laga shaqeeyo iyadoo awoodda Wasaaradda xooga saari doonto sidii loo hubin lahaa in la helo Miisaaniyadda
dakhliga laga sugayo.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa faray madaxda dakhliga in sanadkaan uu noqdo sanad ay Wasaaraddu soo xarayso dhakhligii ugu badnaa abid soo xarooda.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland