Shir looga hadlay cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga oo lagu qabtay Garowe(Sawirro)

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shilling Soomaaliga.

Madaxweynaha Puntland , waxaa kulanka ku weheliya Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, mas’uuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne, Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland .


Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland