D8EEE9CD-D3F1-4C03-949D-79C40710A79B.jpg

Shir looga hadlay cashuurta iyo Ololaha cashuurta waddo marista oo lagu qabtay Garoowe(Sawirro)

Shir looga arinsanayo Dar-dargelinta Cashuurta iyo Ololaha Cashuurta Wado marista ayaa ka qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

shirka waxaa shir gudoominayey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, waxaa ka soo qayb galay Qaybaha ka wada shaqeeya Cashuuraha sida:
Wasaaradda Hawlaha guud, Wasaaradda Maaliyadda, Ciidanka Taraafikada iyo Ciidanka Turbotaaryada ama ilaalinta cashuuraha.

Waxaa ka warbixiyey Nuxurka shirka Cali Jaamac Gaashaan kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee DPL;

1. Nuxurku wuxuu ahaa sidii looga hawl geli lahaa Cashuurta Wado marista (road tax) oo la qaado 3-dii bilood mar sharciyan, markasta oo la qaadayo waxaa la sameeyaa olole, shirkana waxaa looga tashanaayey Ololaha cashuurtaa la bilaabi lahaa iyo cashuuro kale sidii loo kicin lahaa sida cashuurta Guryaha kireysan iyo cashuurta Kala wareejinta hantida ma guurtada ah.

2. Sida caadiga ah cashuurta wado marista waxaa la qaadaa 3-dii bilood mar , waxaa loo ogol yahay muwaadiniinta oo fursad loo siiyaa, in ay 15 maalmood ee u horeeya sadex bilood kasta si xor ah u bixiyaan cashuurta, hadii la dhaafto waqtigaana ololaha ayaa bilowda gaadhigaan cashuureyna waa la soo qabtaa, waliba hada waxaa bilowday Ganaax.

3. Bisha 16- bisha April 2019 waxaa bilaabanaya soo qabashada baabuurta aan lacagta bixin

4. Waxaa kale oo shirkaas looga hadlay baabuurta cashuurtii bixiyey balse aan qaadan Stikarkii sida baabuurta xamuulka oo kontaroolada ku bixiya cashuurta.

5. Waxaa kale oo baabuurta ku gabada taargooyinka Dowladda, hadaba baabuurta Ciidanka iyo kuwa kale ee Dowladda la farayaa in ay wataan sharciga lagu siiyey taargada sida Bol Bir, GD iwm, baabuur aan taargo wadana lama ogola waana la ganaaxayaa hadii la qabto.

6 Waxaa kale oo shirkan looga hadlay Cashuurta Daaraha kireysan, waxaa cashuuri ku waajibtay guri kasta oo ganacsi oo kireysan, arintaa gadaal baanu ka faah-faahin doonaa.

7. Waxaa kale oo laga hadlay cashuurta Kala
wareejinada Hantida lakala gato.

Shacabka Puntland ayaa loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan bixinta cashuurta dowladda isla markaana garab istaagaan.

Xafiiska Wacyogelinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland