0CC9B6C3-0D15-404B-9B5F-396172870048.jpg

Shir looga hadlay Cashuurta Shaqaalaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah oo lagu qabtay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo qaybo kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qaybgalay shir looga hadlaayay Cashuurta shaqaalaha Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Shirkan ayaa lagu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland, waxana si wadajir ah usoo qaban qaabiyay Labada Wasaaradood,waxana kasoo qaybgalay Wasiirka Qorshaynta Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Agaasimayaasha Guud ee labada Wasaaradood iyo Madaxda Hay’adaha Caaalamiga ah ee ka hawlgala Puntland.

Cashuuraha dakhliga shaqaalaha ayaa ugu saraysay 6% halka lugu soo daray dadka dakhliga badan qaata ay bixin doonaan 12% si dawladddu u hesho dakhli ku filan oo lugu horumariyo dalkeena.

Shirkaasi intii uu socday madaxda Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay soo bandhigtay hab cusub oo lugu bixin doono cashuurta shaqaalaha aan Dawliga ahayn taasoo ku xiran habka casriga ah ee hanaanka Maaliyadda ee loo yaqaan PFMIS , habkaan ayaa waxa uu daabacayaa qaansheegadka iyo caddaynta bixinta lacagta oo leh bad Code.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa hay’adaha ku wargaliyay in aan qandaraas la siin karin shirkad aan canshuur bixiye ahayn hay’adda la macaamishana ay masuuliyada qaadidoonto.

Shirkan sidoo kale waxaa looga hadlay qandaraasyada ay bixiyaan Hay’addaha UN ku marka ay bixiyaan in ay qoraal usoo gudbiso labada Wasaaradood kaasi oo ku cad, nooca Qandaraaska, Shirkada ku guulaysata iyo halka laga fulinaayo si loo cashuuro.

Ugu danbayntii Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay soo jeediyeen In hay’ad kasta ay qaadato Numberka TIN ( tax identification number ) oo caddaynaysa In hay’adaasi ay bixiso cashuurta shaqaalaheeda.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland